Macallimad Kenyaan ah oo tartan ugu jirto abaal marin caalami ah

Macallimad Kenyaan ah ayaa ku jirto liiska 50-ka tartamayaal ee ugu horreeya kuwaasoo doonaya inay ku guulaystaan abaal marinta sannadka 2020-ka ee hay’adda Varkey Foundation.
Ms Linah Anyango ayaa maaddooyinka sayniska ee chemistry iyo biology waxay ka dhigtaa dugsiga saree e Changamwe ee ku yaalla ismaamulka Mombasa.
Waxaa laga soo xushay 12,000 qof oo ku sugan in ka badan 140 wadan kuwaasoo codsiyo dirsaday.
Abaalmarinta ayaa hadda gashay sannadkii lixaad tan iyo xilligii la billaabay.
Waxaa guulaystaha la siiyaa 100 milyan oo shilin waxaana ugu dambeeyay oo sannadkii hore la guddoonsiiyay Peter Tabichi oo macallin Kenyaan ah.
Macallinka ugu waxqabadka wanaagsan ayaa la aqoonsadaa kaddibna la sharfaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here