Macallimiinta dalka oo mushaar kordhin dalbanaya

Macallimiinta dalka ayaa guddiga adeegga barayaasha ee TSC u bandhigay in muddo laba sano gudahood ah saddex jibbaaro musharaadka ay qaataan.
Arrimahan ayaa qeyb ka ah heshiis ku saleysnaa gorgortan oo la doonayo in la dhaqangeliyo inta u dhexeyso 2021-2023 kaasi oo beddelaya midkii qalinka lagu duugay (2017-2021).
Ururka qaran ee barayaasha dalka ee KNUT ayaa dalbanaya in macallinka ugu mushaarka yar uu bil waliba qaato 65,268 oo shilin.
Waxyaabahan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhanka kale uu jiro muran dhanka hoggaanka KNUT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here