Macallimiinta haweenka ah oo baaq loo diray

Xoghayaha guud ee ururka ay ku mideysan yihiin haweenka macallimiinta ah ee (KEWOTA) Benta Opande ayaa xubnaha dalladdan u soo jeedisay inay kaalin muuqata ka qaataan siyaasadda dalka.
Waxay ku boorisay in xilliga doorashada guud ee sannadkan 2022-ka ay u tartamaan jagooyinka kala duwan.
Ms.Opande ayaa sheegtay in macallimiinta aynan inta badan ku dhiiran inay loolanka siyaasadeed qeyb ka noqdaan in kastoo ay waajibaadka la xiriira ka soo bixi karaan.
Hadalkan ayay ka jeedisay magaalada Kutus ee ismaamulka Kirinyaga gobolka bartamaha dalka.
Xilli ay fureysay xafiisyada ururka KEWOTA ee gobolkaasi ayay carrabka ku dhufatay inay diyaar u yihiin inay garab siiyaan macallimiinta dumarka ah ee daneynaya inay u tartamaan jagooyinka siyaasadeed.
Waxay dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaantay in ururka ay hoggaamiso loo aasaasay in lagu wiiqo awoodda ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here