Macamiisha Safaricom oo sarriftay hal bilyan oo dhibcaha Bonga Points ah

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegtay in muddo laba bilood gudahood ah macamiisheeda ay sarrifteen in ka badan hal bilyan oo ah adeegga dhibcaha ee Bonga Points.
Arrintan ayaa qeyb ka ahayd barmaamijka Bonga For Good ee Kenyaanka looga fududeynaya culeyska dhaqaale ee uu sababay cudurka Covid-19.
In ka badan 600,000 oo macamiisha Safaricom ka mid ah ayaa asxaabtooda u diray dhibco u dhigmo ugu yaraan 330 milyan oo shilin.
Waxay caawimaaddan u mariyeen ugu yaraan 40,000 oo ah xarumaha adeegga Mpesa ee shirkadda isgaarsiinta.
In badan oo ka mid ah dhibcaha la sarriiftay waxaa lagu beddeshay cuntooyin iyo agabka guriyaha lagu isticmaalo.
Madaxa fulinta ee shirkadda Safaricom Mr. Peter Ndegwa ayaa Kenyaanka uga mahadceliyay inay isku gargaareen xilli adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here