Macau oo xirtay goobaha khamaarka

Maamul goboleedka madaxa bannaan ee ku yaalla Koonfurta xeebta Shiinaha ee Macau ayaa lagu soo warramayaa inay albaabada isugu dhufanayso dhammaan goobaha khamaarka.
Amarkan ayaa shaqeynaya muddo laba isbuuc ah.
Arrintan ayaa looga gol leeyahay in looga hor tago caabuqa Corona.
Go’aanka waxaa maanta warbaahinta u xaqiijiyay madaxa fulinta ee Macau , Ho Iat-seng.
Mas’uulkan ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 15 maalmood la hakinaya ganacsiga iyo guud ahaan howlaha khamaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here