Machadka KMTC oo tababar siinaya in ka badan 9000 oo arday ah

Machadka lagu barto culuunta caafimaad ee dalka ee (KMTC) ayaa si rasmi ah u daahfuray jadwalka waxbarasho ee sanadka 2020/2021-ka.
Waxaa tababaro kala duwan oo la xiriira caafimaadka sannadkan qaadanaya ugu yaraan 9000 oo ah arday cusub.
Madaxa fulinta ee KMTC Prof. Michael Kiptoo ayaa ardayda ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan tababarada la siinaya.
Wuxuu ku booriyay inay ku dadalaan sidii ay qayb uga noqon lahayeen wanaajinta bixinta adeegyada caafimaad ee bulshada.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in casharrada laga bartay cudurka COVID19 ay ka mid tahay in ardayda baranaya caafimaadka la siiyo tababaro iyo xirfado ay u adeegsan karaan la tacaalidda cudurada soo kordho.
In ka badan 41,000 arday ayaa hadda wax ka barto laamaha machadka KMTC oo gaaraya 71 kuwaasoo ku yaalla 43 ka mid ah dowlad deegaanada wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here