Machadka tababarka macallimiinta Wajeer oo la dayac tiri doono

Dowladda ismaamulka Wajeer ayaa sheegtay inay dayac tir ballaaran ku sameyn doonto machadka bixiya culuunta macallinimada ee Wajir Teachers Training College.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dadaalada arday badan oo deegaanada kala duwan ka soo jeedo ay fursad ugu heli karaan inay macallinimada bartaan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale gobolka waqooyi bari ay ka taagan tahay caqabad dhanka waxbarashada ah kaddib markii guddi adeegga macallimiinta ee TSC uu soo wareejiyay ku dhawaad 3000 oo barayaal ah oo aan dhalasho ahaan ka soo jeedin ismaamullada gobolka.
Tallaabada TSC ayaa timid kaddib weeraro dhacay oo mid ka mid ah lagu dilay saddex macallin.
Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in dib u habeynta machadka uu kaalin weyn ka qaadan doono xal u raadinta dhibaatada jirta.
Waxaa uu xusay in shantii sano ee la soo dhaafay ismaamulka Wajeer ay ka soo tageen ugu yaraan 2,300 oo macallimiin ah.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay inay dib u eegis ku sameyn doonaan lacagaha laga bixiyo ardayda oo boqolkiiba 70 ee miisaaniyadda loo qoondeyn doono ardayda barta macallinimada heerarka diploma iyo degree .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here