Madaarka Beledweyne oo gabi ahaanba la xiray

Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah waxaay u joojisay Shaqada garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo maalmo ka hor ay ku burburtay diyaarad laga lahaa dalkani Kenya oo la sheegay inay u rarayd ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiiraan ku sugan.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo tagay Magaalada Beledweyne ayaa waxay la kulmeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM & Mas’uuliyinta Maamulka Garoonka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay inay diyaaradu burburto.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomalaiyeed Axmed Macalin Xasan oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in si kumeel gaar ah loo xiray Garoonka Diyaaradaha Beledweyne si baaris loogu sameeyo sababtii keentay in diyaaradii sahayda u siday Ciidamada AMISOM ay burburto.
Tallaabadan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Maareeyaha guud ee diyaaradii ku bruburtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo lagu Magacabo kabtan Xuseen uu sheegay in burburka uu sabab u ahaa kadib markii uu dameer soo galay halkii ay ku dagi laheyd diyaaradda wallow aysan arintaas dowlada Soomaaliya wali ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here