Madasha dhalinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay.

Shirka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay Ka qeyb galayaan dhallinyaro ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan oo ah mid Sanadle ah ayaa looga hadlaa caqabadaha iyo Horumarka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqtigan wajahaya daruufo kala gedisan kuwaasoo isagu jira dhinaca Nolosha, Waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa dhamaan Caqabadaha jira.
Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Xalay dhalinyarada u sameysay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo casho sharaf ah taasoo lagu soo dhoweeynayay dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynahaan qaran ee dhalinyarao u badan.
Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay inay dhalinyaradu yihiin Mulkiileyaasha dalka taasinaya ay cadeyn u tahay kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan arrimaha siyaasadda, maadaama ay yihin laf-dhabarka dalka sidoo kalena waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka Soomaaliya oo halkaasi Kalmado dardaaran iyo bogaadin u jeedin doona dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynaha Sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here