Madasha iskaashiga Soomaaliya oo Maalinkii Labaad Muqdisho ka socota.

Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabtay Muqdisho,waxana ka qeyb-galaya Wakiilo ka kala Socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Shalay oo uu shirku furmay ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada,iyadoo ay ka qeybgalayaan Masuuliyiin kala Matalaya in ka badan 50 dal,Safiirro iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.
Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa shirka khudbado ka jeediyay Maalinkiisa Koobaad,waxaana kamid ahaa dadkii Halkaas ka hadlay Wakiilka Dowlada Britain oo Su’aalo ka Keentay dhaqaalaha Al Shabaab ay helaan iyo Dhabayaasha lagu joojin karo dhaqaalahaas oo marar badan soo noq noqday halka wakiil u hadlay Dowladda Faransiiska uu sheegay inay caqabado kala kulmaan fulinta Balamaha ay la galeen Dowladda federaalka sida deganaansho Siyaasadeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Hassan Cali Kheyre iyo Madaxweynayaasha Maamulada Hir-Shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay Shirka Maanta ku biiraan,isla markaan ay khudbado kala duwna ka jeediyaan.
Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada,sida Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkaasi qaadacay,waxaana la filayaa in shirka Maanta oo Arbaco ah la soo geba-gabeeyo,isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here