Madasha iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaysa.

Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Maanta oo Talaado ah ka furmo Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-geli doona in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya qaarkood.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta daah furi doona shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali (SPF) oo socon doona muddo laba maalin ah.
Qodobada ugu Muhiimsan ee shirka looga hadli doono mudada labada Cishe ah ee uu soconayo ayaa waxaa kamid ah, horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan,Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Siyaasadda iyo Cadaaladda.
Maalinta labaad ee Shirka ayaa waxaa ku soo biiri doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan Sidoo kalena Soo Xiridoona Madashaasi.
Waa Shirkii ugu horeeyay ee noocaan ah oo lagu qabto Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,waxaana shirkaan kii ka horeeyay lagu qabtay 16 Bishii Luulyo ee Sanadkii 2018 magaalada Brussels ee Xarunta Dalka Belgiumka, iyadoo uu shirkaasi guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed.
Ammaanka Guud ee Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka qaar la xiray,waxaana shirkaan oo Berri la soo geba-gabeyn doono laga soo saari doonaa Warmurtioyeed sidoo kale qaar kamid ah Madaxda wadamada kasoo qeyb-galay ay balan qaad u sameyn doonaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here