Madasha Xisbiyada qaran ee Soomaaliya oo eedaymo u jeediyay Ethopia

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aannadii ka soo baxay shirki golaha ammaanka Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya ee ku celisay baaqi 13-ka bisha May ay soo saartay kaasoo lagu dalbaday in ciidamada Itoobiya ee aan kamid aheyn howlgalka AMISOM laga saaro gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madasha waxay ka mahad celisay in la caddeeyey tirada dhabta ah ee ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga wadanka Soomaaliya, ciidankaasoo tiradiisu tahay 19,626 askari waxay sharciyad u heystaan in gudaha dalka Soomaaliya ay ka howl galaan ilaa 28-ka Feb ee 2021 si’ ay gacan uga geystaan in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah.
Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya waxay sheegeen inay ka walaacsantahay in lagu xad gudbay, qaranimada Soomaaliya sida ay hadalkiooda u dhigeen, dhinacyada siyaada dalnimo, madax bannaanida siyaasadeed iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay Sanadkii 1992 ee tirsigeedu yahay 733 iyo qaraarkii QM ee 2520 oo soo baxay sanadkan 2020.
Gabagabadii qoraalkan ay soo saareen Xisbiyada madasha qaran ee Soomaaliya oo toos ugu socday beesha caalamka iyo Qaramada midoobay waxaa lagu baaqay in il gaara lagu eego fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya sida qoraalka lagu xusay.
Ciidanka aan AMISOM ka tirsaneyn ee sharci darrada dalka Soomaaliya ku jooga iyo in dowladda fedraalka Soomaaliya ay wada hadal dhab ah la furto madaxda maamul goboleedyada si’ loo maareeyo marxaladda kala guurka ee doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa dhamaadka 2020-ka ilaa bilowga 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here