Madasha Xisbiyada Qaran oo dalbaday in doorasho xor iyo Xalaal ah dalka ka dhacdo

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa kulan ka yeeshay Xaaladda dalka, waxaana shirkaasi isugu yimid Mas’uuliyiinta Sare ee Madasha.
Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran.
Madaxda Madasha ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in baarlamaanka Soomaaliya laga doonaayo in ay ilaaliyaan waqtiga loogu tala galay doorashada, islamarkaana ay la xisaabtaan Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Golaha Madasha ay diyaar u yihiin ay ka qeyb galaan doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here