Madasha xisbiyada Qaran oo kulan la yeeshay beesha Caalamka

Waxaa soo gaba gaboobey shir u dhaxeeyey Beesha Caalamka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo looga hadlay heshiiskii Dhusamareb 3.
Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho, waxana ka qeyb galay hogaamiyeyaasha Madasha Xisbiyadda Qaran.
Madasha ayaa u sheegtey Beesha Caalamka si uu heshiiskii Dhuusamareeb u noqdo mid dhameystiran in loo baahan yahay ka qeyb galka dhammaan saamileyda siyaasada Soomaaliya oo ay ku jiraan Maamulladii shirka ka maqnaa, Xisbiyada iyo Ururada Bulshada.
Sidoo kale waxaa hoosta laga wada xariiqay in heshiiska Dhuusamareeb3 u baahan yahay in lagu caddeeyo wakhtiga doorashada la qabanaayo iyo in Xal loo helo khilaafka Baarlamaanka labdiisa Gole si ay u ansixyaan heshiiska Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here