Madasha Xisbiyada Qaran oo markale la kulmay Guddoonka Golaha Shacabka

Hoggaanka Madasha Xisbiyada qaran ayaa maanta mar kale kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka oo ay ka socdeen Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo kuxigeenkiisa 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey.
Hoggaanka madasha iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa iska wareystay waxa ka qabsoomay ballamihii lagu kala qaatay kulankii u dambeeyey ee dhexmaray labada dhinac.
War kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa lagu sheegay in dedaal badan ku bixinayaan soo celinta wadashaqeyntii u dhexeysay labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya kana mid ah hoggaanka Madasha Xisbiyada qaran ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyey kulan uu shalay la qaatay Guddoonka Aqalka Sare kaas oo qeyb ka ahaa dedaallada Madasha ee isku keenidda labada Aqalka ee Baarlamaanka.
Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in la sii wado watashiyada lagu raadinayo isfaham la dhexdhigo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka oo khilaaf uu ka dhaxeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here