Madasha Xisbiyada Qaran oo war kasoo saartay doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saartay War Saxaafadeed lagu dalbanayo in la ilaaliyo xuquuqda Xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland u leeyihiin in si xor ah oo loogu doorto Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Madasha ayaa waxaa lagu taliyay in Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi looga dambeeyo magacaabidda Guddiyada loo xil saarayo maamulka Doorashada Mudanayaasha ka soo jeeda G/Waqooyi, maadaama uu yahay masuulka ugu sarreeyo ee la doortay kana soo jeeda Somaliland.
Shalay qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in uu xaq u leeyahay Magacaabidda Guddiyada ka Shaqeynaya doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ka soo galaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here