Madaweynihii Hore Ee Somaaliya Shekh Shariif Shekh Axmed Oo Kulan Laqaatay Madaxa Howlgalka Midowga Afric Ee Somaaliya Francisco Madeira+Sawirro.

118

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Oo Ku Sugan Magaalada Muqdisho Ayaa Waxa Uu Kulan Gaar Ah La Qaatay Safiirka Midowga Africa U Qaabilsan Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Africa Ee AMISOM Ambassador Francisco Madeira.

Kulanka Ayaa Waxaa Looga Hadlay Doorka Muhiimka Ah Ee Taageerada Midowga Africa,Isla Markaana Waxaa Uu Sheekh Shariif Ku Booriyay  Ambassador Francisco Madeira Inay Sii Wadaan Taageerada Soomaaliya.

Dhinac Kale Hoyga Uu Magaalada Muqdisho Ka Degan Yahay Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Ayaa Waxaa Ku Booqday Qunsulka Dowladda Masar Ee Somaaliya U Jooga ,Iyagoona Kulan Isla Qaatay.

Sidoo Kale Labada Dhinac Ayaa Waxa Ay Ka Wada Hadleen Xiriirka Qadiimiga Ah Ee Ka Dhaeeya  Dowladda Masar Iyo Taageerada Dowladnimada Soomaaliya.

Sheekh Shariif Ayaa Maalin Kahor Soo Gaaray Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,Iyadoo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here