Madax kala duwan oo ka tacsiyeeyay geerida Moi

Waxaa isa soo taraysa tirada mas’uuliyiinta ka tacsiyeeynaya geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi.
Ilaa iyo hadda waxaa qoyska uu ka baxay hoggaamiyihii labaad ee dalka tacsi u diray madax ay ka mid yihiin madaxweyne Uhuru Kenyatta , Raila Odinga, Kalonzo Musyoka, barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru, dhigeeda Mandera Cali Ibrahim Roba, wakiilka haweenka ee Homa Bay Gladys Wanga, barasaabka Kilifi Amason Kingi , dhigiisa Mombasa Cali Xassan Joho iyo mas’uuliyiin kale.
Kalonzo Musyoka ayaa Daniel Arap Moi ku tilmaamay aabbe lagu daydo sido kalena magac ku lahaa qaaradda Afrika.
Mrs. Anne Waiguru oo ah guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ayaa dhankeeda sheegtay in Moi weligii ay xusi doonto taariikhda dalka.
Waxay wadanka ugu duceysay in falsafaddii uu caanka ku ahaa ee nabadda , jaceylka iyo midnimada ay qeyb ka noqoto nolosha dhammaan Kenyaanka
Cali xassan Joho ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Moi weligii looga mahadcelin doono dadaaladii nabadeed ee gobolka.
Sido kale waxaa uu xusay in lagu xusuusan doono jaceylkii uu u qabtay waxbarashada sidaas awgeedna ay jiraan waxyaabo badan oo looga dayan karo.
Joho ayaa sheegay in la doonayo in casharo badan laga barto hoggaamintii Moi ee 24 sano ahayd.
Madaxdan ayaa dhammaan sheegay inay murugada la qeybsanayaan qoyska madaxweynihii hore ee dalka, eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan Kenyaanka.
Senetarka ismaamulka Baringo ahna wiilka madaxweynihii labaad ee dalka Gideon Moi oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Moi uu geeridooday abaare 5:20 ee saaka.
Wuxuu intaas ku daray sida uu hadalka u dhigay inuu si nabad ah ku dhintay isagoo la joogo.
Sido kale Kenyaanka ayuu uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen iyo tacsida tiiraanyada leh ee ay u direen qoyska uu ka baxay.
Meydka madaxweynihii hore ee dalka ayaa lagu wareejiyay goobta meydadka la dhigo ee Lee Funeral Home ee magaaladatani Nairobi.
Taariikh noololeedkiisa oo dhameystiran iyo wixii ku soo kordho wararka dambe ayaad ku maqli doontaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here