Madax soo hoggaamisay sirdoonka dalka Algeria oo la xiray

Ciidamada booliska ee dalka Algeria ayaa xabsiga dhigay nin ay wada dhasheen madaxweynihii hore ee dalkaasi Cabdulcaziz Bouteflika iyo laba sarkaal oo horay madax uga soo noqday waaxda sirdoonka.
Dadka la xiray ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Saciid Bouteflika , Bachir Athmane Tartag iyo Maxamad Mediene.
Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee Algeria ee Ennahar TV ayaa ku warrantay in saddexdan qof su’aalo la weydiin doono.
Wadanka Algeria ayaa waxaa horay uga dhacay dibadbaxyo ballaaran oo lagu dalbanayay inuu xafiiska banneeyo Bouteflika taasi oo keentay inuu 2-dii bishii afaraad ee sannadkan iscasilay in kastoo dadka mudaharaadyada sameynayay ay doonayaan in xilka qaadis lagu sameeyo cid waliba oo maamulkiisa ka tirsanayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here