Madaxa bangiga dhexe ee dalka oo abaalmarin ku guulaystay

Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Patrick Njoroge ayaa ku guulaystay abaalmarinta sannadkan ee guddoomiyaha bangiyeed ee ugu ugu wanaagsan wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika.
Waa markii labaad oo Dr. Njoroge ay u soo hooyato guushan oo kale.
Markii ugu horreysay waxaa abaalmarintan la guddoonsiiyay sannadkii 2016-kii xilligaas oo lagu ammaanay kaalinta uu ka qaatay xakameynta sicir bararka dhaqaale.
Waxaa sannadkan lagu sharfay inuu wadanka ku hoggaamiyay in meesha laga saaro 1000-kii shilin ee horay loo isticmaali jiray.
Gudaha wadanka ayaa hadda laga isticmaalaa 1000 shilin oo la soo bandhigay 1-dii bishii lixaad ee sannadkan.
Dr. Njoroge ayaa loo aqoonsaday inuu isbeddelkaasi ku guulaystay iyadoo wax xasilooni darro dhaqaale uunan wadanka u horseedin.
Abaalmarintan ayaa ku soo aadaysa saddex bilood kaddib markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu afar sano oo dheeraad ah ku kordhiyay muddo xileedka madaxa bangiga dhexe ee CBK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here