Madaxa cadaalada oo madaxweynaha kula taliyay inuu kala diro Aqalka baarlamanka

Madaxa cadaalada David Maraga ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu kala diro aqalka baarlamaanka iyada oo la raacayo qaybta 261-aad farqada 7-aad ee daastuurka. Maadama ay ku guul dareysteen inay ansixiyaan two-thirds gender rule.
Madaxa cadaalada ayaa sheegay in baarlamanka uusan u hoggansamin amarkii maxkamada saree e dacwadii dastuurka nambarkeedu tahay 371 ee 2016-kii.
Halka baarlamanka uu mudda 9 sano ah aan meel marinin sharcidejinta la doonayo in lagu dhaqan galiyo sharciga jinsiyada ee saddax meelood laba meel oo maxkamada racfaanka ay go’ankeeda ku sheegtay in baarlamanka ay ku guul daraysteen.
Maxada Cadaalada ayaa xusay asaga oo eegaya daastuurka oo siinaya awooda uu madaxweyna kula talin karo in baarlamaanka la jabiyo.
Mr.Maraga ayaa sheegay inay tahay mas’uuliyadiisa dastuuriga ah inuu madaxweynaha la taliyo, haatana aan kula talinayo inuu aqalka baarlamanka qaran kala diro.
Madaxa cadaalada ayaa dacwad ku saabsan in baarlamanka la kala diro u soo gudbiyay Ururka qareenada dalka-LSK, Xildhibankii hore ee galbeedka Marakwet David Sudi, Ms Margaret Toili, Mr Fredrick Mbugua, Mr Bernhard Aoko iyo Mr Stephen Owoko.
Waxay dhamantood ku andacoonayaan in baarlamaanka uu si kutala gal ah u diiday inuu ansixiyo sharciga jinsiyada ee saddax meelood laba meel.
Qareen Nzamba Kitonga ayaa sheegay hadii uu Madaxa cadaalada u gudbiyo soojedintiisa madaxweynaha waxa looga hor imaan kara maxkamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here