Madaxa cadaalada oo toddobaadkan hortagaya guddiga dib u heshiisiinta

Madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga iyo hoggaamiyaha xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta la filayo inay toddobaadkan ka soo hormuuqdaan guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta shacabka ee BBI si ay afkaartooda ugu biiriyaan waxyaabaha u baahan in xal loo helo.
Madaxa fulinta ee guddigan Stephen Ndung’u ayaa sheegay in kal fadhiyo kala duwan lagu qaban doono xarunta shirarka caalamiga ee KICC , magaaladatani Nairobi.
Kulamadan ayaa qeybo ka ah kuwo taxana ah oo lagu qabanayo guud ahaan dalka.
Sido kale waxaa fursad la siinaya xisbiga loo yaqaano Chama Cha Mashinani ee uu hoggaamiyo barasaabkii hore ee ismaamulka Bomet, Isaac Ruto.
Guddiga qaabilsan arrimaha jinsiyadda iyo sinnaanta ayaa sido kale warbixin gudbin doono.
Guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI ayaa la soo dhisay kaddib markii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore ay kulmeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Nasa , Raila Odinga taasi oo meesha ka saartay xasaraddii siyaasadeed ee uu xilligaasi wadanka wajahayay.
Mas’uuliyiinta guddigan ayaa loo qabtay muddo hal sano ah oo ay kulamo iyo ra’yi aruurin kaddib soojeedin ugu gudbinayaan madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxay si gaar ah u eegayaan xal u helidda caqabadaha la xariira
Dowlad wadaajinta ,In cid waliba ay dowladda ka dhex muuqato
Doorashooyinka lagu kala qeybsamo ,Musuqmaasuqa ,Qabyaaladda
Badqabka iyo ammaanka ,Barwaaqo la wada helo ,La’aanta anshax qaran,Xuquuqda iyo waajibaadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here