Madaxa cadaaladda dalka oo balan qaaday in la soo afjari doono kiisaska yaala maxkmadaha

Madaxa cadaalada ee dalka David Maraga ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalka lagu soo afjaraayo kiisaska ku daaha maxkmadaha oo aanan wali go’’aanka laga gaarin.
Hadalkan ayuu madaxa cadaaladda ka jeediyay shirka garsoorayaasha ee sanadlaha ah oo shalay ka furmay magaalada Mombasa ee gobolka xeebta dalka.
Waxaa uu sheegay Mr Maraga inay rajaynayaan in dhawaan la yareyn doono dacwadaha yaala maxkmadaha.
David Maraga ‘madaxa cadaaladda ee dalka ayaa ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay sidii ay dadweynaha ugu adeegi lahayeen .
Waxaa uu sheegay Maraga in mararka qaar ay waqti dheer qaadanayso sidii loo xalain lahaa dacwado yaalo maxkmadaha.
Dhinaca kale Madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga oo kulankaasi furay ayaa sheegay in afar ka mid ah maxkamadaha dalka aan weli lagu xirin keydka qaran ee korontada iyo adeeg intarneet oo la isku haleyn karo.
Hasa ahaate waxaa uu ballanqaaday in tani laga dhabeyn doono ugu dambeyn 30-ka bisha lixaad ee sannadka soo socdo.
David Maraga ayaa carrabka ku dhuftay in guud ahaan wadanka ay ku yaallaan 132 maxkamadood oo sida uu hadalka u dhigay dhammaan la doonayo inay lahadaan koronto iyo intarneet joogto ah si loo fududeeyo bixinta adeegyada dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here