Madaxa cadaaladda dalka oo sheegay inay saameyn ku timid howlaha garsoorka

Madaxa cadaaladda dalka Mr. David Maraga ayaa maanta shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay inay saameyn ballaaran ku timid howlaha maxkamadaha wadanka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo golaha fulinta ku eedeyay inay caqabad ku noqdeen geedisocodka arrimaha garsoorka.
Maraga ayaa hoggaamiyaha dalka ku dhaliilay inuu diiday inuu dhaariyo garsoorayaal uu soo jeediyay guddiga adeega garsoorka ee JSC.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu iskudayay inuu la kulmo Mr.Uhuru Kenyatta si ay uga wada hadlaan shaqaleysinta garsoorayaal gaaraya 41 balse uu ku guul dareystay.
Golaha fulinta ee dalka ayuu xusay inuu dafiray amarrada maxkamadda.
Maraga ayaa sheegay in hadii hadii maanta dacwad loo gudbiyo maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee Milimani magaaladatani Nairobi , kiiskaas la dhagaysan karo sannadka 2022-ka.
Madaxa cadaaladda oo faahfaahinaya tirada yar ee garsoorayaasha ee ka howlgalo maxkamadaha kala duwan ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in qeybta dhageysata dacwadaha la xiriira deegaanka ay ka shaqeyaan xaakinno dhan 33 halka kiisaska u yaalla ay dhamaadkii bishii saddexaad ee sannadkan ahayeen 16, 457 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here