Madaxa cadaaladda oo magacaabay 5 garsoore si ay u dhageystaan codsiyada ku saabsan talo uu u soo jeediyay madaxweynaha

Madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga ayaa magacaabay shan garsoore si ay u dhageystaan una go’aamiyaan codsiyo gaaraya ilaa 5 oo maxkamadda loo gudbiyay.
Tani ayaa timid markii xaakimka maxkamadda sare Weldon Korir uu amar ku bixiyay in madaxa cadaaladda uu soo magacaabo garsoorayaal dhageysan doona islamarkaana go’aan ka gaari doona kiiska.
Codsiyadan ayaa ah kuwo looga soo horjeestay soo jeedintii Maraga ee ahayd in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kala diro aqalka baarlamaanka kaddib markii ay ku guuldareysteen ansixinta sharciga jinsiyadda saddex meelood laba meel.
Maxkamadda sare ayaa 24-kii bishii Sebteembar ee sannadkan hakisay dhaqangelinta soo jeedinta David Maraga waxayna sheegtay in la dhageysanayo go’aana laga gaarayo dacwad ay soo gudbiyeen laba qof oo Kenyaan ah.
5-ta garsoore ayaa kala ah George Odunga, Pauline Nyamweya (madaxa dib u eegista arrimaha garsoorka), Lydia Achode, James Makau iyo Antony Ndungu.
Dhanka kale shakhsiyaadka codsiyada gudbiyay oo kala ah Lennah Konchela, Xeer ilaaliyaha guud, guddiga adeega baarlamaanka, senetka, xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathare Antony Oluoch iyo garyaqaan Adrian Kamotho ayaa waxay si adag uga horyimaadeen talo soo jeedinti madaxa cadaaladda.
Ururka qareenada dalka ee (LSK) iyo ururada kala duwan ee u dooda xuquuqda ayaa dhankooda sheegeen inay taageersan yihiin la talinta David Maraga ee madaxweynaha ee ah inuu kala diro baarlamaanka.
Madaxa cadaaladda ayaa xusay asaga oo eegaya dastuurka oo siinaya awoodda uu madaxweynaha kula talin karo in baarlamaanka la jabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here