Madaxa caddaalada oo ka tacsiyadeeyay geerida garsoore Odek

Madaxa caddaaladda ee dalka David Maraga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida shalay ku timid garsoore Prof Otieno Odek oo ka howlgalayay maxkamadda racfaanka.
Waxaa uu tacsi u diray dhammaan eheladii uu xaakinka ka tagay iyo asxaabtiisa isagoo ku tilmaamay shakhsi waajibaadkiisa sida habboon u gudan jiray.
Shalay ayay ahayd markii garsooraha uu ku dhintay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Milimani Estate ee ismaamaulka Kisumu waxaana dhimashadiisa warbaahinta u xaqiijiyay Julius Ng’arng’ar oo ah garsoore sare oo ka shaqeeyo maxkamadda Kisumu.
Prof Otieno Odek ayaa la sheegay inuu miyir daboolmay kaddibna geeriyooday.
Maydka garsooraha ayaa hadda yaalla goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Aga Khan ee ismaamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here