Madaxa dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya oo xafiiska baneeynaya

Fayez al-Sarraj madaxa maamulka uu caalamka aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ayaa sheegay inuu doonayo inuu xafiiska baneeyo bisha Tobonaad ee sannadkan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu qorsheynaya inuu talada ku wareejiyo gole fulin.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada loogu jiro in xal siyaasadeed loo helo dagaallada sannado badan wadankaas ka jiray.
Liibiya ayay xasilooni darro siyaasadeed ka jirtay tan iyo 2011-kii kaddib markii xilka laga tuuray kaddibna la dilay madaxweynihii mudada dheer talinayay Mucammar Qaddaafi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here