Madaxa guddiga gurmadka caafimaadka ee Spain oo cudurka Covid laga helay

Mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee dalka Spain oo lagu magacaabo Maria Jose Sierra ayaa sheegtay in cudurka Covid19 baaritaano kaddib laga helay madaxa guddiga gurmadka caafimaad ee wadankaas Fernando Simon .
Ninkan ayaa xiriir dhow la leh ra’iisul wasaaraha dalkaas ,Pedro Sanchez.
Mrs. Maria ayaa sheegtay inay isbeddelo jiraan tan iyo markii xayiraado dhowr ah la dhaqangeliyay.
Waxay intaa ku dartay in kiisaska cusub ay maalin kasta sii kordhayaan boqolkiiba 12% halka wixii ka horreeyay 25-kii bishan ay sare u kacayeen boqolkiiba 20% .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here