Madaxa mucaaradka dalka oo kulan la qaatay haweenka hoggaamiyaasha

Madaxa mucaaraadka Raila Odinga

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr. Raila Odinga ayaa la kulmay haweenka haya xilalka hoggaanka.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku dhuftay in marka laga gudbo xaaladda dalka ka taagan ee cudurka Covid-19 la sii wadi doono geedisocodka warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Sido kale waxaa uu sheegay in isbeddellada dastuuriga ah diiradda lagu saari doono sinnaanta dhanka jinsiyadda iyo sida haweenka ay fursad ugu heli karaan xilal badan oo dhanka hoggaanka ah.
Raila ayaa xusay in isaga iyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay ku heshiiyeen mideynta shacabka iyo xal u helidda tabashooyinka jira oo ay ka mid tahay in dumarka aan la siin fursado la siman kuwa ay ragga helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here