Madaxa mucaaradka suudaan oo baaq u diray dibadbaxayaasha

Dadka dibadbaxyada ka dhigaya wadanka suudaan ayaa loogu baaqay inaynan sameynin waxyaabo ciidamada militariga ku dhalin karo inay dhibaatooyin geystaan.
Madaxa mucaaradka dalkaasi Sadiq al-Mahdi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dibadbaxayaasha laga doonayo inay fursad siiyaan golaha ku meel gaarka ah ee militariga Suudaan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inuu jiro qorsho ah in dhawaan talada dalkaasi lagu wareejiyo maamul shacabka matalaya sidaasi awgeed loo baahan yahay in la iska ilaaliyo wax waliba oo carqaladeyn karo geedisocodkani.
Militariga Suudaan ayaa bishii hore hoggaanka ka tuuray madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir kaddib mudaharaadyo bilooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa dalkaasi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here