Madaxa xisbiga Thirdway Alliance oo lagu casuumay golaha hoose ee ismaamulka Nakuru

Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru aukot ayaa maanta ku sugan dowlad deegaanka Nakuru kaddib markii uu golaha ismaamulkaasi ka helay casuumaad rasmi ah.
Waxaa uu faahfaahin ka bixinaya olalaha uu hor kacayo ee ku aaddan in dastuurka dalka laga isticmaalo isbeddel lagu sameeyo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu sheegay inuu ku qancay oo uu xaqiijiyay 1.2 milyan oo ah saxiixyo kenyaanka laga soo arruuriyay oo uu soo gudbiyay xisbiga Thirdway Alliance.
Ololahan wax looga beddelayo sharciga dalka ayaa loogu magacdaray Punguza Mzigo oo ay micnaheedu tahay culeyska yaree.
Waxyaabaha lagu doonayo waxaa ka mid ah in la yareero tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo siyaasiyiinta sida magacaabidda ah ku galay aqalka sare iyo golayaasha ismaamulada.
Xoghayaha guud ee xisbiga Thirdway Alliance Fredrick Okango ayaa faahfaahin ka bixinaya sababta ay Nakuru u tageen iyo muhiimadda uu leeyahay ololaha ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here