Madaxda Ahlusunna oo isu dhiibay ciidanka dowlada oo la wareegay xarunta INJ

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xarunta INJ ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Madaxda Ururka Ahlusunna.
Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sh Xassan iyo Sh. Shaakir oo Ahlusunna u dooratey Madaxweyne ayaa isku dhiibey Ciidamada Dowlada Faderaalka .
Madaxda Ahlusunna ayaa isku dhiibay General Mascuud oo horay uga tirsanaa Ahlusunna,islamarkaana damaanad qaaday Ammaankooda.
Ciidamadii iyo gaadiidkii dagaal ee Xerada ku jiray ayaa iyaguna si buuxda ugu wareegay dhanka Dowlada .Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Direed ayaa ka mid ah dadka isku dhiibay Ciidanka dowladda.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad horayna u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa wadda dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu kulansiiyo Madaxweyne Qoor Qoor iyo Hoggaanka Ahlusunna.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xarunta INJ ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Madaxda Ururka Ahlusunna.
Xaaladda Magaalada ayaa ah Mid degan, inkastoo ay jiraan cabsi ku aadan Kacdoon dadweyne oo laga cabsi qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here