Madaxda caalamka oo isugu tagay shirka G7

Waxaa dalka Faransiiska isugu tagay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha wadamada caalamka oo halkaasi uga qeyb galaya shirka dallaadda G7.
Dalladdan ayaa waxaa ku mideysan toddobada wadan ee adduunka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha waxayna kala yihiin Canada, Faransiiska, Jarmalka , Talyaaniga, Japan, Ingiriiska iyo Maraykanka.
Madaxa golaha midowga Yurub ,Donald Tusk ayaa sheegay in waxyaabaha shirkaasi looga hadlayo ay ka mid tahay midnimada maadaama mas’uuliyiinta wadamada kala duwan ay ku kala aragti duwanyihiin qodobada la xariira ganacsiga iyo wax ka qabashada isbeddelka ku yimaado cimilada.
Shirkan oo ka dhacaya magaala xeebeedka Biarritz ee Faransiiska ayaa la qorsheeyay inuu socdo saddex maalmood.
Waxaa uu ku soo aadaya iyadoo ay sare u sii kacday xasaradda ganacsi ee ka dhexeysa dalalka Shiinaha iyo Maraykanka.
Sido kale waxaa uu ku soo beegmaya iyadoo Maraykanka iyo iiraan uu weli u dhexeyo ismari waa ku aaddan hubka nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here