Madaxda caalamka oo ka falceliyay guusha Joe Biden

Hoggaamiyaasha wadamada kala duwan ee dunida ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan in loolankii madaxtinimo ee Maraykanka uu ku soo baxay Joe Biden oo ka guulaystay Donald Trump.
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.
Waxaa uu sheegay in labadan wadan ay wadagaan xiriir aan caadi ahayn.
Mr. Trudeau ayaa xusay inuu rajeynayo in uu si wanaagsan ula shaqeeyo maamulka cusub ee Maraykanka si xal loogu helo dhibaatooyinka caalamka.
Madaxa Jarmalka Angela Merkel iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Heiko Maas ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Joe Biden iyo xoojinta heshiiska maalgashi ee ka dhexeya labada dal.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Biden iyo Harris wuxuuna Maraykanka ku tilmaamay saaxiibka ugu dhow ee boqortooyada Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here