Madaxda dalka oo ka shiri doonta kiisaska Corona ee Kenya ku sii kordhaya

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kala fadhi looga arinsan doona caabuqa sii kordhaya ee CoVID 19 qaban doona arbacada soo socota ee toddobaadka dambe.
Afhayeenka aqalka madaxtooyada ee dalka Kanza Dena oo warbixin ay siisay maanta saxaafadda ku sheegtay in xaalada Corona ee Kenya ku sii kordhaya laga hadli doonto .
Mrs Dena waxay sheegtay in kulankan lagu eedi doono isbadalada ku yimid cudurkan halista ah.
Kulanka uu madaxweyne Uhuru Kneyaatta la yeelan doono hogaamiyaasha dalka ayaa sido kale looga hadli doona sidii taxadar looga sameyn lahaa in Corona Virus uu dalka saameyn ku yeesho bilaha soo socda ee November iyo December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here