Madaxda dowladda oo u hambalyeeyay hoggaamiyaasha lagu doortay Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaanka dadka.
Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.
Sido kale waxaa uu Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sido kale u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.”
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helidda caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Daahir Ciid iyo Dhamaan Xubnaha Cusub ee Guddoonka Barlamanka iyo Xildhibaanada Barlamanka Galmudug.
Sido kale Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen guuleed ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa rasmiga ee facebook ayaa u dhigan sidatan.
Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay.
Waxaan rajeynayaa in hoggaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here