Madaxda galbeedka dalka oo ku baaqay in dowladda ay sameyso ceel biyood dhowr ah

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee galbeedka dalka ayaa dowladda dhexe u soo jeediyay inay qoddo ceel biyoodyo dhowr ah .
Waxay hoosta ka xarriiqeen in tallaabadan oo laga dhabeeyo ay soo afjari doonto daadadka yeeshay saameynta isugu jirta dhimashada iyo barakaca.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo in ka badan 100,000 oo qof oo ku sugan afar ka mid ah ismaamullada galbeedka dalka ay saameyn ka soo gaartay fatahaadaha.
Mas’uuliyiinta baaqan jeediyay waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa, guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ee COG ahna guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya, barasaabka Busia Sospeter Ojaamong iyo xildhibaanka deegaanka Budalang’i MP Raphael Wanjala.
Waxay sheegeen in daadadka oo yimid kaddib roobab culus oo da’ay ay u wajihi doonaan arrin goboleed iyo mid qaran labaduba.
Guddoomiyaha golaha COG Mr. Wycliffe Oparanya ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatada taagan ay si rasmi ah ugu bandhigi doonaan dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here