Madaxda Garissa oo la filayo inay dacwad ka gudbiyaan guddiga TSC

Mas’uuliyiinta ismaamulka Garissa ayaa la filayaa inay maanta maxkamadda geeyaan dacwad ay uga soo horjeedaan go’aan dhawaan ka soo baxay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC kaasoo ay ka dhalatay saameyn ballaaran oo dhanka waxbarashada ah.
Barasaabka dowlad deegaanka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa shaaca ka qaaday inay qaadayaan tallaabooyin waafaqsan dastuurka dalka oo ka dhan ah TSC.
Mr. Qorane ayaa hoosta ka xarriiqay in TSC ay ku fashilantay gudashada waajibaadkii loo igmaday kaddib markii ay macallimiinta aan deegaannada gobolka waqooyi bari u dhalan soo wareejisay falal amni darro oo dhacay iyo walaac ay muujiyeen awgeed.
Cali Bunow ayaa go’aanka guddiga adeegga macallimiinta ku tilmaamay mid aan habbooneyn , loo fiirsan sido kalena ka turjumaya dayacaad mas’uuliyeed iyo ku tumashada xuquuqda dastuuriga ee carruurta gobolka waqooyi bari.
Barasaabka ayaa xusay in isagoo kaashanaya guddoomiyaasha Wajeer iyo Mandera oo ay sido kale arrintan saameysay ay codsi u gudbin doonaan guddiga qaabilsan xiriirka ka dhexeya heerarka dowladda.
Waxaa uu sido kale ballanqaaday inay qaab qandaraas ah ku shaqaaleysiinayaan macallimiinta loo yaqaano UT ee aan lahayn tababarka macallinimo.
Guddoomiyaha Garissa ayaa dhanka kale shacabka deegaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad gaar ah isa saaraan oo ay dugsiyada wax ka dhigaan iyagoo macallinimada baranaya.
Waxaa uu shaaciyay in dowladda ismaamulka Garissa ay qarashaadka waxbarashada ka bixin doonto ardayda macallinimada baranaya.
Barasaab ku xigeenka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa dhankiisa sheegay inuu shaqaalaha dowlada ee horay macallimiinta u ahaa uu ku hoggaamin doono inay fasallada galaan si ardayda wax loo baro.
Mr. Dhaqane ayaa sheegay in maanta oo isniin ah uu fasalka iska xaadirin doono.
Waxaa uu sido kale soo jeediyay in arrimaha waxbarashada boqolkiiba boqol lagu wareejiyo ismaamullada siiba kuwa waqooyi bari.
Bulshada ku nool Garissa ayuu dhanka kale ku boorriyay inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ammaanka iyo la shaqeynta saraakiisha loo xil saaray.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa ,Mwangi Meru ayaa dhankiisa guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ku eedeyay inuu iska indha tirayo xaaladda jirta ama uunan ka baarandegin saameyn ka dhalan karto tallaabada uu qaaday.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan ayaa isna madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu dhibaatada jirta wax ka qabto iyadoo ay ku dadaalayaan in xal waara la helo.
Shacabka ayuu ku boorriyay inay soo gudbiyaan warbixino ku saabsan shakhsiyaadka falal dambiyeedyada geysanaya.
Wuxuu xusay in xildhibaanada ay ka shaqeyn doonaan in guddiga TSC iyo wasaaradda tacliinta ee dalka lagu qasbo inay xal lagu qanci karo oo wax ku ool ah u keenaan caqabadaha dhanka waxbarashada ee waqooyi bari.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi Cali ayaa dhankeeda shacabka waqooyi bari kula talisay inay daacad ka noqdaan la shaqeynta ciidamada ammaanka oo marnaba aynan soo dhaweysan dadka gaysta falalka argagixisada.
Waxay carrabka ku adkeysay inaynan wax micno ah lahayn in markii macallimiin gobolka laga soo wareejiyo oo keliya in cabasho la muujiyo.
Madaxda waqooyi bari ayaa doonaya in la dhaqangeliyo qorsho ay horay gacan uga gaysatay wasiiradii hore ee waxbarashada Amina Maxamad kaasoo arday dhan 3000 u fududeeyay inay macallinimada bartaan in kastoo ay buundooyin hoose haysteen balse markii dambe TSC ay ka daba tagtay oo la istaajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here