Madaxda imaaraadka iyo Israa’iil oo wada hadlay

Amiirka dalka isu tagga imaaraadka carabta ee UAE Sheikh Maxamad bin Zayed Al Nahyan, dhaxalsugaha Abu Dhabi sido kalena ah taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada qalabka sida ee wadankaas ayaa lagu soo warramayaa inay kulan la qaateen ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Wada-hadallada ayaa maanta oo Isniin ah qaab taleefoon u dhacay.
Waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeya labada dhinac gaar ahaan iskaashiga gobolka.
Dhawaan ayay ahayd markii imaaraadka uu Israa’iil la saxiixday heshiis lagu xoojinaya xiriirka ay wadagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here