Madaxda ismaamullada oo dalbanaya in la magacaabo maareeyaha miisaaniyadda qaranka

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ayaa soo saaray dalabaad ku aaddan in la soo magacaabo maareeyaha miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyso.
Bayaan uu saxiixay guddoomiyaha golahan ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka Mr. Wycliffe Oparanya ayaa arrinkan lagu sheegay.
Waxaa uu xusay in ismaamullada aynan u suurtagelin inay bixiyaan qarashaadka la xiriira adeegyada ay dadweynaha u fidiyaan maadaama aynan suurtagalin in la ansaxiyo dhaqaalihii ay adeegsan lahayeen.
Qarashaadkan waxaa ka mid ah musharaadka howlwadeenada ismaamullada ee bishii 11-aad ee sannadkan.
COG ayaa intaasi ku dartay inaan weli lagu soo wareejin lacag dhan 31.6 bilyan oo uu qorshuhu ahaa in la bixiyo 15-kii bishii aan ka soo gudubnay ee Nofembar.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu Stephen Masha u magacaabay inuu si ku meel gaar ah u sii hayo xilkii ay banneysay Agnes Odhiambo oo muddo xileedkeeda uu dhammaaday balse madaxda dowlad deegaannada ayaa dalbanaya in jagadaasi si rasmi ah loo buuxiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here