Madaxda kaniisadaha Catholic-ga oo doonaya in wax laga beddelo warbixinta BBI

Hoggaamiyaasha kaniisadaha Catholic-ga ee dalka ayaa ku biiray kooxaha dalbanaya in isbeddel lagu sameeyo soo jeedinnada warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ururka ay ku mideysan yihiin baadariyaasha kaniisadahan ee (KCCB) ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddi loo saaro dib u eegista warbixinta ka hor inta aan la ansaxin.
Waxay ka soo horjeesteen qorsho kasta oo saameyn ku yeelan karo madax bannaanida garsoorka iyo guddiga doorashooyinka.
Shir ay ku qabteen ismaamulka Nakuru ayay ka sheegeen in aysan suurtagal ahayn in madaxweynaha uu soo magacaabo ra’iisul wasaare iyo labadiisa ku xigeen sidoo kalena uu xilalka ka qaadi karo tani oo ay ka digayaan inay dalka u horseedo hannaan maamul oo diktateernimo ku saleysan.
Waxay sheegeen in soo jeedinta ah in aqalka sare uu ka koobnaado 94 kuraas ay culeys dheeraad ah ku keenayso canshuur bixiyaasha wadanka.
Qodobka kale ee ay dhaliilsan yihiin ayaa ah in la soo magacaabo golaha booliska dalka oo uu madax ka noqonayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka.
Tani ayay ku doodayaan inay caqabad ku noqon karto madax bannaanida booliska.
Baadariyaasha ayaa caddeeyay inaysan ka soo horjeedsan warbixinta BBI balse ay ku talinayaan oo keliya dib u eegis iyo wada hadallo dheeraad ah.
Madaxdan ayaa dhanka kale xusay in cudurka COVID-19 uu saameyn dhaqaale ku yeeshay dalka sidaas awgeedna Kenya aysan haysan miisaaniyad lagu maareyn karo afti wax looga beddelaya dastuurka wadanka u degsan.
Dalladda iskudhafka ah ee hay’adaha diimeed ee (U-JFRO) ayaa horay u soo jeedisay in aad loo dhimo tirada madaxda la soo doorto.
Waxay sheegtay in la doonayo in 47-da ismaamul ee dalka ka jiro lagu soo reebo 16 ,deegaan baarlamaneedyada ah 290 laga dhigo 150.
Madaxdan ayaa xusay in gobolladii dalka ee Nyanza, galbeedka, bariga Eastern, waqooyi bari , bartmaha iyo xeebta mid waliba laga dhigi karo laba ismaamul halka Rift Valley saddex loo qaybinaya , Nairobi-na ay ismaamul gaar ah noqonaysa.
Soo jeedinta kooxdan waxaa ka mid ah in tirada wasiirradda laga dhigo 16.
Sidoo kale dalladda ururrada kaniisadaha ee (KCCAM) ayaa ku Talisay in la qabto shirweyne qaran oo lagu xallinayo qodobbada muranka dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here