Dhageeyso:Madaxda Maamulada Soomaaliya oo bogaadiyay kulanki dhuusamareeb.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay Shirka Magaalada Dhuusamareeb ay ku yeesheen hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa uga mahad celiyay Madaxda ka qeyb gashay Shirka sida ay ugu dul qaateen aaya ka talinta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in Galmudug ay sharaf u tahay in madaxda dalku ka aqbaleyn gogosha ay u dhigeen,isla markaana uu ku qanqcsan yahay in madaxdu dadaashay kana soo baxeyn waajibaadkii Ummadda ka sugaysay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay wada-hadallada sii socdaan,isla markaana shir kale la isugu imaan doono 15-ka Bisha soo socota ee Agoosto.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa dhankiisa sheegay in isu tanaasulku lagama maarmaan yahay si Xaaladda hada lagu jiro looga baxo dadka iyo dalkaana loo samata bixiyo.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa dhankiisa xaqiijiyay muhiimada midnimada ayna hada meesha ka baxday waxkasta oo kala aragti duwaan ah wuxuna u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed c/laahi Farmaajo oo uu xusay inuu Sameeyay Tanaasul iyo Odaynimo isku keen iyo is fahan abuurtay.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isna sheegay in hoos loo xaliyay waxkasta oo tabasha ahaana xal laga gaaray.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in waxkasta oo la sheegay Talada la isugu geeyay inay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here