DHAGEYSO:Madaxda Maamulada Soomaaliya oo ka doodaya arimaha doorashooyinka

Waxaa Maalinkii labaad ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasiamda Maamulka Galmudug shirka hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya kaasoo looga doodayo qodobo aad Xasaasi u ah oo la xiriira doorashooyinka,Xal u hileda khilaafaadka siyaadasada iyo arimo badan.
Shirkaan oo shalay ka furmay Magaalada dhuusamareeb ayaa waxa khudbado ka jeediyay dhamaan hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya waxayna soo jeediyeen in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta siyaasadeed eek a jirta Soomaaliya.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa Maanta aad uga doodaya Nooca doorasho ee xiligaan dalka Soomaaliya ka dhici karta maadaama hada aysan suura gal ahayn in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah gudiga madaxa banana ee doorashooyinka qarankuna ay Baarlamaanka ka hor sheegeen inaysan hada awoodin qabashada doorasho ay shacabku ka qayb qaataan ayna u baahan yihiin mudo 13 bilood ah oo ay ku diyaar garobaan.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Soomaali dhamaanteed ay u taalo shaqo adag oo u baahan wada tashi wuxuna Tilmaamay in dastuurku uusan qabyo ahayn balse dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen.

Waxaa Amaanka Magaalada dhuusamareeb si aad ah u adkaynaya ciidanka nabad sugida dowlada Soomaaliya waxaana Magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo fara badan oo amaanka sugaya.
Gudoomiye ku xigeenka Magaalada dhuusamareeb ee shirka maamul goboleedyada Marti galinaysa oo warbahainta la hadlay ayaa Tilmaamay inay waajibaadkooda gudanayaan wuxuuna bulshada Magaalada dhuusamareeb kaga Mahadceliyay wada shaqyanta ay u muujiyeen laamaha aamanka xiligaan ay magaalada ku sugan yihiin wafuuda aadka u faraha badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here