Madaxda oo loogu baaqay inaynan jabin amarrada la xiriira cudurka covid-19

Kulankii madaxda besha Luhya

Dowladda dhexe ayaa hoggaamiyaasha kala duwan ugu baaqday inay ku dayasho mudan u noqdaan shacabka marka laga hadlayo u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka covid-19.
Tani ayaa timid kaddib markii dhawaan madaxda gobolka galbeedka dalka oo uu marti qaaday xoghayaha guud ee dalladda ururada shaqaalaha ee COTU , Francis Atwoli ay ku kulmeen ismaamulka Kajiado.
Arrinkan ayaa waxaa si weyn looga hadlay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Dowladda ayaa lagu dhaliilay inaynan mowqif cad ka qaadan dhaqangelinta amarrada ay soo saartay oo ayna ka gaabisay inay joojiso kulamada qaar.
Dr. Rashid Aman, xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo dowladda ay mamnuucday isku imaatinka dadweynaha haddana in dad ay mas’uuliyiin ka mid yihiin ay hal meel isugu tagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here