DHAGEYSO:Madaxda qaranka Soomaaliya oo shacabka Hambalyada Ciida u diray.

41

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgallada ay dalka uga saarsyaan Al-Shabaab.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda.
Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

 

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa isna shacabka Muslimiinta guud ahaan iyo muwaadiniinta Soomaaliyeedba u diray fariin la mid ah mida madaxweynaha,wuxuuna ku baraarujiyay inay midnimada ku dhagaan iyo mormarka dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here