Madaxda Soomaalida oo kulamo ay kaga Socdaan muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa Wali ka soconaya Wajiga Labaad shirka looga hadlayay arimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo u dhexeeya Madaxda heer Fedraal iyo heer Maamul goboleed,waxaana shirkaan lagu wadaa in markale laga soo saaro qodobo ku saabsan dhamaystirka arimaha Heshiiska doorashada qaranka.
Kulamadaan ayaa waxay Muhiimadoodu tahay sidii la iskula meel dhigilahaa arrimaha doorashooyinka waxayna Muqdisho uga socdaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda shanta Maamul goboleedyada eek a jira Soomaaliya & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada Muqdisho.
Kulamada ayaa waxaa sigaar ah looga hadlayaa dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.
Saacadihii la soo dhaafay kulamadii dhacay ayaa xogaha laga helayo ay sheegayaan in aad looga dooday Arrimaha la xiriira Magacaabista Guddiga doorashada heer feeraal & Heer Maamul Goboleed iyo sidoo kale Goobta labaad oo lagu qabanayo doorashada Baarlamaanka marka laga reebo Caasimadda Maamul Goboleedyada.
Wararka laga Helayo shirarka ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in madaxda ay isku raaceen Magacaabista Guddiyo saddex ah, kuwaas oo ka Shaqeynaya arrimaha doorashooyinka soo socda.
Madaxda Maamul goboleedyada ayaa dib ugu laaban doona degaannadooda si ay latashiyo ula soo sameeyeen Bulshada & Xildhibaannada maamulada si ay u soo Magacaabaan Xubnaha dhinacooda ka socda ee Guddiga doorashooyinka intaas kadibna la bilaabo soo xulista baarlamaanka Fedraalka oo doorashada la gudo galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here