Madaxda Soomaaliya oo kulamo gooni gooni ah ku leh Magaalada dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaa weli ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda Sare ee dowladda Federaalka iyo hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada kajira dalka Soomaaliya, iyagoo uga hadlayay xaalada siyaasadeed dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre & Madaxda Maamul goboleedyada ayaa kulamadooda waxaay ahaayeen kuwo aad u adag, kadib markii sida la sheegay ay isku mari waayeen arrimo la xiriira dhinaca doorashada iyo nooca ay noqoneyso.
Ururada Bulshada Rayidka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda gobolka Galgaduud ayaa waxaaay ku sheegeen sababaha uu u furmi la’yahay shirkaan is-aamin darro iyo tanaasul la’aan sida ay sheegeen, iyagoo ku baaqay in la wada-hadlo xalna laga gaaro waxkasta oo lagu kala aragti duwan yahay.
Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareb iyo shirarkii gaar garaka ahaa ee halkaas ka dhacaya ayaa waxay sheegayaan inay maanta macquul tahay furitaanka shirka oo ay khudbado ka jeedin doonaan Madaxda Sare ee Dowladda & hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in Xubnaha ay isku raaceen in Guddi loo saaro wada-hadallada ku saabsan arrimaha doorashada dalka oo aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here