DHGAYSO:madaxda Soomaaliya oo shacabka kula Dardaarmay inay isku naxariistaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bisha barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hor tago waxkasta oo amniga liddi ku ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ugu dambeyntii umadda Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan Hay adda Ammaanka si wadanka amaankiisu u noqdo mid wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa isna dhankiisa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalkooda u duceeyaan,isu soo dhawaadaan, ayna ALLE ka baryaan inuu wadanku barwaaqo iyo Nabad ku soo dabaalo.

Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha diiinta ee dowlada Soomaaliya ayaa Xalay Iclaamisay inay Maanta tahay Maalinta koobaad ee Bisha Ramadaan.
Dhanka kalena qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa inaan maanta laga soomin oo ay dadkasi dhamaystirayaan maalinta sodonaad ee Bisha Shacbaan.
Deegaanada maamulka Galmudug ayay maanta u tahay 30-ka bisha Shacbaan maadaama gudigii loo xilsaaray raadinta iyo xaqiijinta dhalashada Bisha Ramadaan ay xalay ku dhawaaqeen inaysan Helin Xaqiiqo lagu soomi karo,Gudigaan ayaa sheegay inaysan arkin Cadayno ku saabsan inay bishii dhalatay
Guddoomiyaha Guddiga loo xil saaray xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaam Sheekh Cali Nuur Cilmi ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in Maanta aan laga soomeyn deegaannada maamulka Galmudug,isla markaana aysan arkin Bisha Ramadaan,sidaasi daraadeedna Maanta ay dhameystirayaan 30-ka Bisha Shacbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here