Madaxda Turkiga iyo Ruushka oo ka wada hadlaya arrimaha Suuriya

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inay maanta kulan yeeshaan.
Labadan mas’uul ayaa shirkooda diiradda ku saaraya howlgallada xukuumadda Ankara ay hakisay ee ay maalmo ka hor ka wadday waqooyiga Suuriya.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo maanta ay gabagabo tahay mudadii Turkiga uu u qabtay Kurdiyiinta inay gobolkaasi isaga baxaan .
Kulanka labadan mas’uul oo ka dhacay magaalada Sochi ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobbo xaaladda jirta lagu dejinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here