Madaxda Turkiga iyo Tunisia oo ka wada hadlay arrimaha Liibiya

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo shalay safar aan horay loo sii shaacin ku tagay wadanka Tunisia ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dowladdaasi Kais Saciid.
Waxay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka dariska la ah ee Liibiya.
Shir jaraaid oo ay wada hadallada kaddib qabteen ayuu madaxweyne Erdogan ka sheegay inay diiradda saareen sidii xabadjoojin ay uga dhaqangeli lahayd dalkaasi.
Sido kale labadan mas’uul ayaa doonaya in miiska wada xaajoodka la isugu keeno kooxaha iska soo horjeeda.
Safarka madaxweynaha Turkiga uu ku tagay Tunisia ayaa ku soo aadaya kaddib markii dowladdiisa ay heshiis la saxiixatay midda xukuumadda Tripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here